Continental Postal Services of Hebland

Xukuumadda Somalia oo eedayn u jeedisey siyaasiyiin sheegay in Somalia ku socoto wadada Afganistan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay hadallo kasoo yeeray siyaasiyiin mucaarad ah oo ka…

13 September, 2026

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay hadallo kasoo yeeray siyaasiyiin mucaarad ah oo ka digay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, sheegayna in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay xaalad la mid ah tii Afgaanistaan.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, ayaa sheegay inuu la yaabay hadallo uu sheegay in qaar kamid ah mucaaradka ay ku weerarayaan Ciidamada Qaranka, isla markaana ay hoos u dhigayaan naf-hurnimada ciidanka iyo dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa ku eedeeyay siyaasiyiintaas inay sawir xun ka bixinayaan awoodda Ciidamada Qaranka, halka dhinaca kale uu sheegay inay buunbuuninayaan awoodda Al-Shabaab, isaga oo xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay dagaallo adag kula galeen kooxdaasi meelo badan oo dalka kamid ah, isla markaana ay dib ugu soo celiyeen dowladda iyo amniga qaybo badan oo dhulka ah.

Wasiir-ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Qaranku ay iyaga oo aan cid kale wehlin ka xoreeyeen Al-Shabaab dhul baaxad leh, isla markaana ay ka hortageen weerarro badan oo ay kooxdaasi si weyn u qorsheysay, wuxuuna sheegay in aan la iska indho tiri karin guulaha iyo khasaaraha ay ciidamada Soomaaliyeed ku bixiyeen dagaalka.

“Ma ahan markii ugu horreysay oo aan aragno hadallada noocaan ah ee sida tooska ah loogu gefayo Ciidamada Qaranka, dhinaca kalana loogu sameynayo buunbuunin iyo niyad-dhis Khawaarijta,” ayuu yiri Al-Cadaala.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.