Continental Postal Services of Hebland

Mareykanka oo Agab Milatari oo Mallaayuun Dollar ku Kacaya ugu Deeqay Dalka Niger

Niamey – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay ciidamada qalabka sida ee Niger ugu deeqday sagaal konteenar oo qalab milatari ah, kuwaas oo lagu qiimeeyay ku dhowaad 2.3 milyan oo dollar, si loogu taageero howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada iyo shabakadaha dambiyada.

 

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Niamey, deeqdan oo la gaarsiiyay Niger 26-kii May ayaa isugu jirta dareys ciidan, qalab ilaalin iyo agab caafimaad oo loogu talagalay ciidamada amniga dalkaasi.

Mareykanka ayaa sheegay in deeqdani ay muujinayso sida ay uga go’an tahay sii wadista iskaashiga amniga ee gobolka Saaxil, inkasta oo sanadihii dambe ay isbeddeleen xiriirradii kala dhexeeyay qaar ka mid ah dowladaha gobolka.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa mudnaan siinaya iskaashiga amniga, xilli ay sii kordhayaan weerarrada kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida iyo ururrada kale ee xagjirka ah ee ka howlgala Galbeedka Afrika.

Bishii Febraayo, Washington ayaa ka qaaday cunaqabateyn lagu soo rogay saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan dowladda Mali, kuwaas oo lagu eedeeyay xiriir ay la lahaayeen kooxda calooshood-u-shaqeystayaasha ee Wagner ee Ruushka, tallaabadaas oo loo arkay isbeddel ku yimid siyaasadda Mareykanka ee gobolka.

Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa muddo dheer wajahaya weerarro ay geysanayaan kooxaha argagixisada, kuwaas oo sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale la arkayay koror ku yimid rabshadaha ka socda xuduudaha ay wadaagaan Niger, Benin iyo Nigeria, halkaas oo kooxaha hubeysan ay ku leeyihiin dhaqdhaqaaqyo sii fidaya.

Mareykanka ayaa hore uga howlgelin jiray saldhig diyaaradeed oo qiimihiisu gaarayay 100 milyan oo dollar gudaha Niger, kaas oo ay ka shaqeynayeen ku dhowaad 1,000 askari oo la socday dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada ee gobolka Saaxil.

Si kastaba ha ahaatee, saldhiggaasi ayaa la xiray sanadkii 2024 kadib markii dowladda Niger ay codsatay in ciidamada Mareykanka ay dalka ka baxaan, taas oo qeyb ka ahayd dadaallada ay dowladaha gobolka ku doonayaan inay dib u eegaan xiriirkooda milatari ee reer galbeedka isla markaana ay raadsadaan iskaashi cusub oo ay ku jirto Ruushka.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.