Continental Postal Services of Hebland

Dowladda Uganda oo ku dhawaaqday in ciidankeedu sii joogi doonaan Somalia.

Wasiirka Difaaca Kiryowa Kiwanuka, ayaa sheegay in Uganda ay ka go’an tahay inay sii waddo joogitaanka…

15 August, 2026

Wasiirka Difaaca Kiryowa Kiwanuka, ayaa sheegay in Uganda ay ka go’an tahay inay sii waddo joogitaanka ciidamadeeda Soomaaliya, xilli walaac laga qabo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kadib hoos u dhaca dhaqaale ee soo wajahay hawlgalka.

Uganda waxay sheegtay inay ciidamo cusub u dirayso Soomaaliya, taas oo muujinaysa doorka ay Kampala ku leedahay qorshayaasha amniga Soomaaliya, marka uu dhammaado qorshaha hawlgalka AUSSOM dabayaaqada sanadkaan 2026.

Uganda ayaa sidoo kale ku baaqday in dib loo habeeyo qaabka loo maalgeliyo AUSSOM, iyadoo muhiimadda la siinayo helitaanka dhaqaale joogto ah, si kor loogu qaado qorshaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan xilli ciidamada Soomaaliyeed ay si tartiib ah ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.