Talaado, Juun 2, 2026 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia), kaddib kulan Muqdisho ku dhex maray Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo wafdi uu hoggaaminayay Madaxa Hawlgalka EUCAP Somalia, Kestutis Lancinskas.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Xasan Shire, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda. Dhinacyadu waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amniga, taageerada farsamo iyo tababarrada ay EUCAP siiso hay’adaha amniga Soomaaliya.
Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray taageerada la siiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la falanqeeyay dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP Somalia iyo sidii taageerada amniga loogu waafajin lahaa mudnaanta dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya ay hoggaamiso, isku dubbariddo isla markaana kormeerto dhammaan dadaallada lagu taageerayo hay’adaha amniga dalka.
Dhankiisa, Madaxa EUCAP Somalia, Kestutis Lancinskas, ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay hawlgalka Midowga Yurub inuu sii wado taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta awoodda hay’adaha amniga.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto kulan farsamo oo dheeraad ah si loo dardargeliyo dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP Somalia, loona xoojiyo iskaashiga amniga iyo taageerada la siiyo hay’adaha amniga Soomaaliya.
Credit: Source link