Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo…
12 September, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo sheegay in Muqdisho ay garab taagan tahay Ankara, isla markaana aan la aqbali karin tallaabooyin lagu waxyeelleynayo xiriirka labada dal, gaar ahaan gubista calanka Turkiga.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan, ayaa sheegay in siyaasiyiin uu ku tilmaamay kuwo shisheeye u shaqeeya aysan waxba ka beddeli karin xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay si cad ula safan tahay Turkiga, ayna ka go’an tahay sii wadista xiriirka labada dhinac.
“Siyaasiyiin shisheeye u shaqeeya waxba ma yeeli karaan Turkiga, annaga ayaa garab taagan oo isu dhiibnay Turki, cidna ku beddelan meyno”, Ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Bidhaan.
Dhinaca kale, Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Somalia Axmed Macallin Fiqi, ayaa cambaareeyay falalka lagu gubayo calanka Turkiga, isagoo sheegay in kooxaha iyo siyaasiyiinta ku howlan tallaabooyinka noocaas ah aysan waxba ka qaadi karin xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga,“Turkiga calankooda in la gubo mamnuud, nimanka caraysan gobollada jooga iyo AS waxba kama qaadayaan Turkiga.”
Guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Somalia Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo isna ka hadlay arrinta, ayaa xoogga saaray xasaasiyadda ay leedahay in la dhaawaco astaanta qaran ee dal kale, gaar ahaan dal ay Soomaaliya sheegtay inuu yahay saaxiib iyo walaal, wuxuuna sheegay in calanka dartiis loo dili karo boqolaal ruux.
“Dowladaha qaar haddii khalad yar uu kaa dhaco salaanta kaa qaadi maayaan, ka waran Turkiga calankiisa ayaan gubnay, kumaan qof ayaa loo dili karaa, calanka lagama kaftamo, walaal weeye Turki, aan ilaashanno walaalkeen”, Ayuu yiri Guddoomiyaha golaha shacabka Somalia Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Carada Mas’uuliyiinta katirsan Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa ka dhalatay kadib markii deegaamo katirsan Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay ka dheceen dibadbaxyo ka dhan ah Turkiga iyadoo lagu eedeeyey duqayn ka dhacday deegaamada Garmaal, Jiifle ee gobolka Nugaal iyo degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Credit: Source link