Continental Postal Services of Hebland

Sudan:”Dagaalku wuxuu si toos ah u sababay inaan kala tagno aabbaha carruurtayda”

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

“Dagaalku wuxuu si toos ah u sababay inaan kala tagno aabbaha carruurtayda.”

Sidaas ayay hadalkeeda noogu bilowday haweeney u dhalatay Suudaan oo codsatay inaan magaceeda la shaacin, iyadoo ka sheekaynaysa saameynta ba’an ee dagaalka ka socda dalka Suudaan.

Saameynta dagaalku kuma eka goobaha dagaalka iyo jiidaha hore, balse waxay gaartay xiriirrada qoysaska, iyadoo kala qaybsanaanta dhinacyada ay isku hayaan colaadda ay gudaha guryaha ka abuurtay kala fogaansho iyo isku dhacyo.

Dagaalka hubaysan ee u dhexeeya labada dhinac ayaa noqday sabab toos ah oo keentay burburka kumannaan qoys, iyadoo xaaladdu gaartay heerkii ugu xumaa gudaha maxkamadaha, halkaas oo lagu bilaabay dhageysiga kiisaska furriinka iyo kala dirista guurka iyadoo mararka qaar aysan labada qofba goobta joogin.

35,000 kiis oo furriin ah

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.