Continental Postal Services of Hebland

Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay dayacaada Midnimadda iyo Qaranimadda dalka.

3 hours ago

Madaxtooyada Puntland ayaa ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay masuul ka tahay kala fogaanshaha siyaasadeed ee dalka iyo dayacaada Midnimadda iyo Qaranimadda dalka.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada ku sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo xukuumaddoodu ay ku fashilmeen ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Cabdifataax ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyey inay ku mashquushay arrimo ay kamid yihiin muranka dastuurka, muddo-kororsi siyaasadeed iyo tallaabooyin uu sheegay inay shacabka qaarkood ka abuureen kalsooni darro siyaasadeed.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.