Continental Postal Services of Hebland

Puntland oo ka digtay xiriirka burcad-badeedda iyo shabakadaha Yemen


Isniin, September 7, 2026 (HOL) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka digay in kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala xeebaha gobolka ay xiriir la leeyihiin shabakado dambiilayaal ah oo gaara ilaa Yemen.

Maxamed Jaamac, oo ah taliyaha Ciidanka Ilaalada Badda ee Puntland, ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay hadda awood u leeyihiin inay weerarro ka fuliyaan masaafo ka fog xeebaha Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya doonyo dheereeya iyo hub ay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo gantaallada garabka laga tuuro.

Digniinta Puntland ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo badanayaan weerarrada burcad-badeedda ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. Sanadkan ayaa la diiwaangeliyey weerarro ka badan kuwii sanadihii u dambeeyey.

Ugu yaraan 5 markab ayaa haatan lagu haystaa xeebaha degaanada Puntland. Burcad badeedda ayaa dalbaday lacago furasho ah oo malaayiin ah. 

Sida laga soo xigtay xogta la helayo, kooxaha burcad-badeedda ayaa sidoo kale mararka qaar adeegsanaya maraakiib ay hore u qafaasheen, iyagoo ka dhigaya saldhigyo ay ka abaabulaan weerarro cusub oo ka dhaca meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Kororka weerarrada ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa hoos u dhaca joogitaanka ciidamada badda ee caalamiga ah ee ilaaliya maraakiibta isaga kala goosha xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Hawlgalka Atalanta ee Midowga Yurub, oo muddo dheer door muhiim ah ka qaatay la dagaallanka burcad-badeedda Soomaaliya, ayaa xilligan ku shaqeynaya tiro kooban oo maraakiib ah marka loo eego baaxadda weyn ee aagga uu ilaalinayo.

Warbixino dhowaan soo baxay ayaa sidoo kale sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay burcad-badeedda Soomaaliya siin karaan qalab iyo hub fudud, inkastoo sheegashadaasi ay weli u baahan tahay xaqiijin dheeraad ah.



Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.