top-news-1350×250-leaderboard-1

Maxaan ka ognahay wixii ka dhacay dalka Mali?

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Askari reer Mali ah oo taagan meel u dhow saldhig militari oo ku yaal Kati oo ka baxsan caasimadda Bamako

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Bayaan ay soo saareen Sabtidii, milatarigu wuxuu ku sheegay “dagaalku wuu socdaa”, isagoo intaa ku daray “ciidamadayada difaaca iyo amniga ayaa hadda ku hawlan sidii ay uga hortagi lahaayeen kuwa weerarka soo qaaday”.

Dad goob joog ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters qaraxyo iyo rasaas ka dhacay agagaarka saldhigga militariga ee Kati, oo ah goob weyn oo ka baxsan caasimadda. Askarta ayaa la howlgeliyay si ay u xiraan waddooyinka aagga.

Waxa sidoo kale jira warar sheegaya weerarro ka dhacay Gao iyo Kidal oo ku yaal waqooyiga iyo Sevare oo ku yaal bartamaha Mali, taas oo falanqeeye uu ku tilmaamay weerarkii jihaadiyiinta ugu weynaa sannado badan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka, oo u safrayay Bamako oo ka yimid Itoobiya, ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan duulimaadyada magaalada la joojiyay horraantii Sabtida. Wali ma cadda in weerarrada lasoo sheegay ay saameeyeen garoonka diyaaradaha.

Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa dadka kula taliyay in aan loo safrin Mali ka dib weerarrada, isagoo intaa ku daray in garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Bamako uu si ku meel gaar ah u xiran yahay. Dhanka kale, Safaaradda Mareykanka ee halkaas ku taal ayaa u sheegtay muwaadiniinta inay ku gabadaan halka ay joogaan oo ay ka fogaadaan safarka, iyadoo sheegtay qaraxyo iyo rasaas ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha iyo meel u dhow Kati.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.