Jimco, Luulyo 10, 2026 (HOL) – In ka badan 13,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah ayaa gaaray Yemen bishii Juun 2026, taasoo ka dhigan koror dhan 15% marka loo eego bishii ka horreysay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Warbixinta ayaa sheegtay in 13,339 muhaajiriin ay galeen Yemen intii u dhexeysay 1-da illaa 30-ka Juun, halka bishii May ay tiradu ahayd 11,587 qof.
Sida ay IOM sheegtay, 80% muhaajiriinta yimid Yemen waxay ka soo ambabaxeen Jabuuti, halka 20% ay ka yimaadeen Soomaaliya.
Muhaajiriinta ka yimid Jabuuti ayaa intooda badan ka degay gobolka Abyan, halka dhammaan dadka ka yimid Soomaaliya ay gaareen gobolka Shabwah.
Hay’addu waxay sheegtay in kororka socdaalka bishii Juun uu la xiriiray hakinta ololeyaashii amniga ee lagu beegsanayay kooxaha tahriibinta, taasoo fududeysay dhaqdhaqaaqa tahriibiyeyaasha iyo kordhinta qulqulka muhaajiriinta.
Dhanka kale, warbixintu waxay xustay in Cumaan ay bishii Juun dib ugu celisay gobolka Al-Mahra ee bariga Yemen ku dhowaad 400 muhaajiriin Itoobiyaan ah, kuwaas oo si sharci-darro ah ugu sugnaa dalkeeda.
IOM ayaa sidoo kale sheegtay in 1,473 Itoobiyaan ah ay bishii Juun ka baxeen Yemen, iyadoo intooda badan ay dib ugu laabteen Jabuuti, halka tiro yar ay u gudbeen dhanka Cumaan.
Yemen ayaa weli ah marin muhiim u ah muhaajiriinta ka imanaya Geeska Afrika, inkastoo ay dalkaasi ka jiraan colaado iyo xaalado bani’aadamnimo oo adag, waxaana weli sii socda dhaqdhaqaaqa shabakadaha tahriibinta ee isticmaala marinno badeed iyo dhul oo halis badan.