India oo badbaadisay 22 badmaaxi oo laga afduubay xeebaha Soomaaliya iyo Yemen
MUQDISHO – Ciidamada badda Hindiya ayaa Jimcihii badbaadiyey 22 badmaaxiin Hindi ah, kaddib markii laba markab oo sita calamo shisheeye si kala duwan loogu afduubtay biyaha u dhow Soomaaliya iyo Yemen.
Guddiga Sare ee Hindiya ee Nairobi ayaa sheegay in lix muwaadiniin Hindi ah ay saarnaayeen markabka MV Lutuf, oo sita calanka Cameroon, halka 16 kale ay saarnaayeen MT Sibu, oo sita calanka Eritrea.
Labada markab ayaa la sheegay in la afduubtay 17-ka iyo 20-ka Agoosto, siday u kala horreeyaan.
Guddiga Sare ee Hindiya ayaa sheegay in ay arrinta badmaaxiinta Hindiya kala hadleen mas’uuliyiinta ay khusayso ee Soomaaliya, isagoo xaqiijiyey in dhammaan 22-ka badmaax ay nabad qabaan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa sheegay in dowladda Hindiya ay xiriir joogto ah la leedahay mas’uuliyiinta ay khusayso si loo xaqiijiyo badqabka iyo ammaanka badmaaxiinta.
MT Sibu, oo ah markab shidaal qaada oo ay saarnaayeen 20 shaqaale ah oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Suuriya, Suudaan iyo Ciraaq, ayaa la sheegay in Khamiistii lagu afduubtay meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebaha Yemen.
MV Lutuf, oo ay saarnaayeen 10 shaqaale ah, ayaa isna horay loogu afduubtay xeebaha Puntland ee Soomaaliya.
Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay kordhayaan weerarrada burcad-badeedda ee ka dhaca biyaha Soomaaliya iyo Yemen. Weerarrada ayaa sidoo kale sii fogaanaya xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhowaan la soo weriyey afduubka markabka Eureka oo ku sugnaa meel u dhow Yemen iyo markabka Asana, oo qiyaastii 65 mayl-badeed, ama 120 kiiloomitir, koonfur-galbeed ka xigta magaalada Al-Mukalla.
Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha (IMB) ayaa diiwaangeliyey 38 dhacdo oo la xiriirta burcad-badeednimo iyo dhac hubeysan oo dunida ka dhacay lixdii bilood ee hore ee 2026, kuwaas oo ay ku jireen shan afduub oo maraakiib ah.
Sida IMB sheegtay, burcad-badeedda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay mas’uul ka ahaayeen 94 boqolkiiba shaqaalihii maraakiibta ee muddadaas loo qafaashay.
GAROWE ONLINE