Continental Postal Services of Hebland

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Hoggaamiyaha Burkina Faso

Burkina Faso – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Burkina Faso ayaa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha Dowladda Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré.

 

Wasiirka ayaa Hoggaamiyaha Burkina Faso gaarsiiyay farriin rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in booqashadiisu ay qeyb ka tahay dadaallada ay Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah iyo wada shaqeynta dhinacyada amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya iyo Burkina Faso ay wadaagaan caqabado amni, taasoo muhiim ka dhigaysa in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga xogta sirdoonka iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga.

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Burkina Faso.May be an image of dais

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.