top-news-1350×250-leaderboard-1

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqasho rasmi ah ku tagay Burkina Faso

OUAGADOUGOU — Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray dalka Burkina Faso, kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas, Mahamadou Sana.

 

Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka Ouagadougou Thomas Sankara International Airport, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Taliyaha Booliska, iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.

Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha amniga.

Inta uu socdo safarka, labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo heer sare ah oo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah ee halista ku ah amniga gobolka.

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.