Khamiis, May 7, 2026 (HOL) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, ayaa magaalada Ouagadougou kulan kula yeeshay Madaxweynaha Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto ballaarinta iskaashiyada caalamiga ah ee dhinaca amniga.
Kulanka ayaa dhacay intii uu Wasiir Fartaag ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Burkina Faso, halkaas oo uu Madaxweynaha Burkina Faso gaarsiiyay farriin rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah, labada dhinac ayaa diiradda saaray dhismaha iskaashi amni oo mideysan, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, tababarrada ciidamada, iyo dardargelinta is-weydaarsiga xogaha sirdoonka ee hay’adaha amniga labada dal.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Burkina Faso ay wadaagaan caqabado amni oo isku mid ah, gaar ahaan halista kooxaha xagjirka ah iyo dagaallada aan tooska ahayn, taasoo uu ku tilmaamay mid muhiim ka dhigaysa in la yeesho iskaashi dhow iyo wada shaqeyn joogto ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada amni ee caalamiga ah, gaar ahaan dalalka gobolka Saaxilka Afrika oo iyaguna wajahaya weerarro iyo khataro la xiriira kooxaha hubeysan.
Credit: Source link