Continental Postal Services of Hebland

Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay inay weerari doonaan Sacuudiga


Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay ka hortageen “diyaarado dagaal oo Sacuudi ah” oo ay ku eedeeyeen inay isku dayayeen inay hor istaagaan diyaarad rayid ah oo laga leeyahay Iran inay ka degto Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.

Afhayeenka milateriga ee Xuutiyiinta, Yaxya Saree, ayaa uga digay in haddii Sacuudiga uu sii wado waxa uu ku tilmaamay “ku xadgudubka hawada Yemen”, kooxdu ay beegsan doonto “garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga iyo goobo muhiim ah oo dhulka iyo baddaba ku yaalla.”

Wuxuu intaas ku daray in duullimaadyada u dhexeeya Sanca iyo Tehran ay sii socon doonaan, inkastoo uu sheegay inay jiraan “cawaaqib suurtagal ah.”

Telefishinka Al-Masirah, oo xiriir la leh Xuutiyiinta, ayaa baahiyay in diyaarad laga leeyahay Iran ay Jimcihii gaartay magaalada Sanca, iyadoo sida wafdi rasmi ah oo ka socday Xuutiyiinta kuna sii jeeday Tehran si ay uga qaybgalaan aaska hoggaamiyihii hore ee Iran, Cali Khamenei.

Sida uu sheegay warbixinta telefishinka, diyaaradda waxaa sidoo kale saarnaa in ka badan 200 oo bukaan.



Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.