Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa beeniyay warar lagu baahiyay…

Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay inuu qayb ka yahay dadaallo dib-u-heshiisiin ah oo u dhexeeya Villa Somalia, Hoggaamiye Aadan Madoobe, iyo garabka Lafta-gareen.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Lafta-gareen ayaa lagu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana aan ka turjumayn xaqiiqada ka jirta deegaannada maamulka, wuxuuna shacabka baaqay inay ka feejignaadaan xogaha aan la hubin, ayna ku kalsoonaadaan oo keliya wararka rasmiga ah ee kasoo baxa hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Dhanka kalena, Lafta-gareen ayaa caddeeyey in ciidamada amniga ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta amniga, sugidda xasilloonida iyo difaaca shacabka, iyadoo hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada ay u socdaan si waafaqsan sharciga

Credit: Source link