Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Kenya ay dib u eegis ku sameysay lacagaha laga qaado adeegyada socdaalka, iyadoo si gaar ah isbadallo waaweyn ugu sameysay lacagaha ruqsada shaqada ee dadka ajnabiga ah ee an haysan dhalashada dalka Kenya. Isbeddelladan ayaa saameyn weyn ku yeeshay dadka ajaanibka ah ee shaqada u soo doonan doona Kenya.
Hadaba maxay yihiin waxyaabaha la xiriira ruqsdda shaqada ee ay dowladda Kenya dib u eegista ku sameysay?
Laga bilaabo Maarso 1, 2024, khidmadaha habaynta ee dhammaan noocyada oggolaanshaha shaqada ayaa laga beddelay KES 10,000 waxaana laga dhigay KES 20,000 mar kasta oo uu qofka aan waddanka kenya u dhalan uu arji u dirsanayo dowlada kenya si uu u helo ruqsad shaqo.
Kororkani waxa uu ka tarjumayaa qorshaha dawladda Kenya ay doonayso inay ku hagaajiso adeegyada socdaalka iyo kor u qaadista dakhliga waddanka soo gala.
Laakiin maxay tani uga dhigan tahay Kenyaanka iyo dadka aan waddankaas u dhalan?
Ogolaanshaha shaqada waa dukumenti oggolaansho rasmi ah oo u oggolaanaysa muwaadiniinta ajnabiga ah inay si sharci ah uga shaqeeyaan Kenya. Waxay siinaysaa xaqa ay ku yeelan karaan shaqo ama hawlo ganacsi oo dalka gudihiisa ah.
Dadka ajnabiga ah ee u raadsada fursadaha shaqo Kenya hadda waxay bixin doonaan kharashyo hor leh oo dheeraad ah.
Inkasta oo khidmadaha la kordhiyey laga yaabo inay qaar baajiyaan, waxay sidoo kale waxay dawladdu hoosta ka xariiqday sida ay Kenya uga go’an tahay adeegyo socdaal oo hufan.
Fursadaha Shaqada ee dadka Kenyaanka ah.
Khidmadaha dib loo eegay ayaa waxay fursad u shaqo u noqon doontaa dadka Kenyaanka ah iyadoo shirkadaha ay xoogga saari doonaan sidii ay u shaqaaleysiin la haayeen dadka kenyaanka ah.
Kharashka badan ee hadda uga bixi doona ruqsadda shaqaalaha ajnabiga ah si ay Kenya uga shaqeeyaan, ayaa waxay mudnaanta kobaad siin karaan qorista muwaadiniinta Kenya, taasoo suurtogal ah inay hoos u dhigto heerka shaqo la’aanta Kenya.
Shacabka Waddamada ku mideysan Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Kenya waxay qayb ka tahay bulshada bariga Afrika (EAC), oo ay ku jiraan dalalka dariska ah sida Uganda, Tanzania, Rwanda, iyo Burundi Somalia iyo kuwo kale.
Iyadoo waddan kasta oo xubin ka ah EAC uu leeyahay siyaasaddiisa socdaalka ee u gaarka ah , ayaa haddana khidmadaha oggolaanshaha shaqada ee Kenya ee dib loo eegay waxaa laga yaabaa inay ku dhiirigeliso shirkadaha inay sahamiyaan waddamada kale ee EAC ee uu qarashka ruqsada shaqada ee dadka ajnaiga ah yar yahay.
Farxiyo Jaamac, oo ah qareenad caan ah oo fadhigeedu yahay Kenya, oo BBC Somali u faafaahisay waxa isbeddelladan uga dhigan yihiin dadka aan Kenyaanka ahayn iyo sidoo kale shirkadaha ajnabiga ah ee waddankaas ka hawlgala.
Farxiya ayaa Jaamac waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo nidaam caddaalad ah oo hufan oo ay ka faa’iidaystaan qurbajoogta iyo muwaadiniinta Kenya.
Lacagaha Ogolaanshaha Shaqada ee dadka Ajaanibka ah ee Kenya degaya ama ka shaqeynaya oo dib loo eegay iyadoo la kordhiyay laga bilaabo bishii Maarso ee sanadkan 2024-ta ayaa sidan loo qorsheeyey.
Khidmadaha Ogolaanshaha Shaqada (Dhammaan noocyada marka laga reebo nooca I)
Kharashaadka hore: KES 10,000
Kan cusub: KES 20,000 (mar walba oo arjiga aad dirsaneyso)
Khidmadaha Oggolaanshaha Shaqada (Nooca I – Hawlaha Diinta)
Kharashaadka hore: KES 1,000
Kan cusub: KES 5,000(mar walba oo arjiga aad dirsaneyso)
Noocyada ogolaanshaha Shaqada (Khidmadaha Bixinta Sannadkii)
Kharashaadka hore: KES 250,000
Kharashaadka hore: KES 100,000
Kharashaadka Hore: KES 100,000
Credit: Source link