Tartanka Horyaalka Feerka ee Uganda oo soo bilowday bishii May ayuu feeryahankan Soomaaliga ah ee Mudallib Mahad Faarax wajahay ilaa sadax feeryahan waxa uuna sheegay in uu dhibco fiican heysto oo uusan xitaa hareyn, haddii kulamada soo aaddan qaar laga badiyo inkasta oo ay rajadiisu tahay mid aad u sarreysa, waxa uuna Soomaalida ku dhaqan dalka Uganda ugu baaqay in kulamada u harsan u soo daawasho tagaan si uu uga helo dhiiragalin iyo taageero masraxiyadeed.
‘’Soomaalida hal wax ayaan ka codsanayaa kulligood wax weyn maahan kaliya jaceyl ha itusaan marka aan dheelayo oo tigidyada ha gataan waxweyn ma ahan, cunug walaalkiinna inaa taageertiin wax weyn ma ahan’’ ayuu yiri Mudallib.
Ciyaarta feerka ayaa ah mid ay isla cayaaraan dadka isku da’da ah iyo kuwa isku culeyska ah, tartanka kahor ayaana la miisaamaa ciyaartoyda si la iskugu beego oo isku koox looga dhigo, Mudallib ayaana ah Soomaaliga kaliya ee haatan ku jira tartanka horyaalka feerka ee ka socda Kampala, inkasta oo ay jiraan ajaanib kale oo aan u dhalan Uganda oo qeyb ka ah tartankaan.
Tartankaan ayaana socon doona ilaa dhamaadka sanadkaan, waana mid si sanadle ah uga dhaca dalkaas.
Waa siddeed iyo toban jir feeryahan ah waxa uuna haatan kamid yahay feeryahannada tartanka horyaalka Uganda, isaga oona ciyaaray ilaa sadax wareeg oo uu guulo ka gaaray sidoo kalena uu kaalimo kala duwan ka galay.
Mudalib Mahad Faarax waxa uu ku dhashay dalka Uganda, waxa uuna haatan ku noolyahay magaalada caasimadda ah ee Kampala, heerkiisa waxbarashada ayuu ka marayaa dugsiga dhexe.
Qoyska Mudalib waxa ay ka kooban yihiin ilaa shan qof oo rag iyo dumar isugu jira waxaana soo korisay hooyo Xamdi Nuur Geelle, halka aabaha qoyska uu dhintay 2013
Nolosha qoyska uu feeryahankaan ka dhashay ayaa ah mid ku tiirsan hooyada waxa ayna inoo sheegtay in waxbarashada iyo biilka ay iyada usoo dhiciso si ay caruurteeda u helaan nolol fiican.
Sidee ayuu ku bartay feerka?
Mudalib oo BBC-da uga waramay sida ay ugu suurtagashay barashada xirfadaan ayaa inoo sheegay in maalin maalmaha kamid ah uu raacay wiil u dhashay dalka Uganda oo barta feerka waxa uuna ka soo helay sida uu tababrka u socdo iyo xamaasadda ka jirta goobta lagu cayaarayo feerka sidaas ayuuna ku go’aansaday in uu kula biiro tababarka saaxiibkiis.
’’Waxa ay ahayd sanadkii 2020 xiligii karoonaha xiligaas oo aysan jirin goobaha dadka isugu yimaadaan, anigana waxa aan raaci jiray wiil aan isku iskuul nahay oo barta xirfadda feerka, markii aan ka helayna waxa aan codsaday in aan ku biiro sidaas ayayna ku bilaabatay barashada xirfadaan’’ ayuu yiri.
Feeryahankaan Soomaaliyeed oo muddo sanad ah baranayay xirfadaan ayaa sheegay in uu ka cayaari jiray kulamo saaxiibtinimo oo dhaxmarayay iskuulada iyo xaafadaha qaar ee magaalada Kampala.
Bilowgii kulankiisa tababarka kadib, xiligaas oo ay ahayd markiisii ugu horeysay ee uu galo garoon si uu ula feertamo wiil dhigiisa ah oo u dhashay dalka Uganda ayuu muujiyay cayaar wanaag inkasta oo laga badiyay Mudallib, balse qaar kamid ah tababarayaasha horyaalka Uganda oo goobjoog ahaa kulankaas ayaa dalbaday si ay ugu gudbiyaan tartamada feerka ee ka jira dalkaas sidaas ayayna ugu suurta gashay in uu maanta qeyb ka yahay tartanka horyaalada feerka ee ka socda caasimadda dalkaas.
Kulamadii uu dheelay iyo billadaha uu helay
Mudallib waxa uu cayaaray kulamo badan oo saaxiibtinimo marka laga reebo tartanka horyaalka ee hadda socda oo uu ku matayo kooxda Kololo Boxing Club, waxa uuna sheegay in aysan jirin waxyeello kasoo gaartay feerka maadaama ay isla cayaarayaan dad ay isku miisaan yihiin sidoo kalena ay xiran yihiin difaac loogu talagalay ciyaartoyda feerka.
Kulamadiisii hore ay uu ku muteystay bilado kala duwan sida dahab, qalin, iyo biladda sadaxaad ee maarta, waxaa kale uu helay shahaado, guulahaan ayaana horudhac iyo dhiiragalin u noqotay in uu sii wado hadafkiisa ku aadan guul ka gaarista feerka ee uu tiigsanayo.
Mar uu ka hadlayay biladaha ayuu yiri ‘’Sadax billad ayaan heystaa iyo shahaado waxaana helay sanadkii u danbeeyay ee 2023, sanadkaas oo dhan waan dagaal tamaayay si aan u imaado meesha aan joogo, farxad weyn ayayna iitahay’’
Kulankii ugu adkaa ee uu dheelo feeryahankaan Soomaaliyeed
Mudallib ayaa BBC-da u sheegay in kulankiisii ugu adkaa uu ahaa midkii uu ku qaaday biladda dahabka, xilligaas oo aysan jirin taageerayaal Soomaali ah oo u daawasho tagay ama xitaa taageero yaal ajaanib ah oo dhankiisa ahaa.
“Waxa aan xasuustaa cayaartii aan qaadayay biladda dahabka aniga markaas Soomaali dhan ma itaageereenin ee jareer ayaa i taageereysay waxa ayna dhahayeen cunugaas soomaaliga ah waa la garaacayaa, marka meesha aan ku dheeleynay labada meelba waa la iiga badnaa, marka aniga meesha soo galay wiilka ila tartamayay waxa uu dhahayay cunugaan ma iga badinayo waana isku dhaarsaneyn, marka meeshaas dadka jooga dhan meesha ayay ka qeylinayeen qaarna aniga ayay itaageerayeen qaarna kan kale maalintaas aniga xitaa waan farxay’’ ayuu yiri.
Mudalib iyo hooyadiis maxaa kala qabsaday?
Feeryahankaan ayaa sheegay in markii uu ku biiray goobta tababarka ay hooyadiis tiro dhowr jeer ah ku dhahday iska dhaaf, inkasta oo u uku adkeystay waxa uuna yiri, “Hooyadeey marka aan galaayay aan ku dhahay cayaaraan dheelaa waxay idhahday iska dhaaf laakiin marka aan biladda ugu horeyso u keenay weey ku qanacday haye ayay i dhahday, mid kale ayaan u keenay haye idhahday midkii sadaxaadna waan u keenay haye idhahday, waxaa u danbeysay cayaartii aan dhawaan dheelay waana ay timid ayada nafteeda taageeraheyga ayayna ahayd, “waxa uu intaa hadalka raaciyay in uu taageero ka helay habaryartiis iyo walaalihiis
Mudallib hooyadiis ayaa BBC-da u sheegtay in sanadkii 2020 uu dhowr jeer wiilkeeda u sheegay in uu ku biirayo goob lagu barto feerka balse ay ka waanisay oo ay isku dayday in ay ka hor istaagto balse u uku qanciyay.
Tababarka kadib ayuu dhowr jeer ku wargaliyay in ay u soo daawasho tagto si ay u aragto qaab ciyaareedkiisa iyo guulaha uu ka gaarayay balse waxa ay ku adkeysatay in aysan daawan karin ‘’asagoo bilado wata ayuu iiyimid dhowr jeer waxa uuna iga cod saday in aan u daawasho tago, waxaana dhahay ma fiirsan kari waan ka cabsanayaa adoo feer lagugu dhufanaayo hadaan arko meeshaan soo dhex galaayaa aadi mayo, gabar walaasheey ah dhalinyarada xaafadda iyo kuwa la dhashay ayaa raacayay, anigana waxa aan dhahayay waan cabsanayaa’,’ ayay tiri hooyo Xamdi.
Waxa ay intaa hadalka ku dartay in kulankii ugu horeeyay oo ay u daawasho tagto wiilkeeda uu ahaa midkii 22-kii mishaan Juun oo uu guuleystay. “Waxa aan ku sugnaa goobta balse hoos ayaan fiirinayay marka uu feer ku dhaco wiilkeyga, dadka dhan waxa ay idhahayeen maad faraxdid balse naxdintii ayaan ku maqnaa, waa guuleystay markii la iyirina kor baan u soo kacay’’.
Hooyo Xamdi Nuur ayaa sidoo kale sheegtay in xilliyada uu feerka soo cayaaro ay habeenkii marka uu guriga yimaado fiiri jirtay guud ahaan jirkiisa si ay nabar ama jug uga goobto wiilkeeda.
Credit: Source link